Home Warar AKHRISO:-Maxaa ka socda Maanta Dhuusa-mareeb?

AKHRISO:-Maxaa ka socda Maanta Dhuusa-mareeb?

292

Waxaa Magaalada Dhuusa-Mareeb Ee Caasimada Galmudug wali ku wada sugan Madaxda Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah DFS kadib soo gabangabeyntii shirkii 2-dii maalin ee la soo dhaafay uga socda Caasimada Galmudug Ee Dhuusa-mareeb.

Ilo xog ogaal ah ayaa idaacada Codka Gobolada dhexe u xaqiijiyay in madaxad ay ku balameen in ay ku sii wada sugnaadaan caasimada Galmudug tan iyo inta ay jawaab ka soo baxayso Madaxda DFS oo ay ugu Baaqeen in shirka amniga qaranka la qabto uuna ka dhaco Dhuusa-mareeb.

Madaxda Maamullada Galmudug,Jubbaland,Puntland,Koonfur Galbeed iyo Hir-shabele ayaa ku rajo weyn in Madaxda Sare ee Dalka ay soo ajiibaan baaqooda ah in shirka amniga lagu qabto Dhuusa-mareeb ayna yimaadaan caasimada galmudug oo madaxda ay ku sugan yihiin hadda.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in lagu wado dhawaan wafdi uu hogaaminayo RW Khayre in ay u soo duulaan Caasimada Galmudug kadibna uu Caasimada Galmudug soo gaari doono Madaxweyne Farmaajo si looga wada hadlo arimaha masiiriga u ah dalka iyo arimaha doorashooyinka  oo Xiligaan meel xasasi ah maraya.

Wixii soo kordha halkaan kala soco