Saturday, May 30, 2026
HomeWararAkhriso:- Magacyada mas’uuliyiin dhimasho & dhaawac ku noqday qaraxyada Beledweyne

Akhriso:- Magacyada mas’uuliyiin dhimasho & dhaawac ku noqday qaraxyada Beledweyne

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee gawaarida loo adeegsadagay ee Maanta lagu weeraray Xerada lamagalaay ee Magaalada Beledweyne, halkaas oo ay kuyaallaan Xarunta Madaxtooyada labaad ee hir-Shabeelle & Xarunta uu ku Shaqeeyo Maamulka Gobolka Hiiraan.

Dadka ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii Caafimaadka Hirshabeelle Sakariye Hure iyo Gudoomiye kuxigeenkii Maamulka iyo Maaliyada Gobalka Hiiraan Abuukar Cabdullaahi Maadeey, waxaana ku dhaawacmay Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Hir-Shabeelle Axmed Dirir & Guddoomiye kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda degmada Matabaan Cabdikaafi Shire Colaad.
Mas’uuliyiin katirsan Maamulka gobolka Hiiraan ayaa Warbaahinta u sheegay in qaraxyada ay sidoo kale dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen Saraakiil katirsan ciidamada Millateriga Soomaaliya iyo dad Shacab ah.
Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle ayaan weli ka hadlin qaraxyada, waxaana socda gurmad loo sameeynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxyada, iyada oo la xiray dhammaan waddooyinka soo gala & kuwa ka baxa Xerada lamagalaay ee Magaalada Beledweyne.
QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe