Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Turkiga ayaa weerar Afka ah ku qaaday Xukuumadda Israel oo ku eedeeyey in ay colaad ka hurinayso dalalka ku yaalla bariga dhexe.
Waxaa uu sheegay in xukuumadda Israel ay ay la kulmi doonto Cawaaqib ba’an hadii aysan joojin duqeynta ay ka waddo Gudaha Suuriya.
Waxaa uu faallo ka bixinaayay duqaymihii ugu dambeeyey ee ay israaiil ka gaysatay saldhigyo ay Iiraan ku leedahay gudaha dalka Suuriya
Madaxweynaha ayaa su’aal galiyey in dhacdooyinkaan ay faraha ka bixi karaan asagoo sheegay in ay tahay su’aal meesha kujirta. Wuxuu sheegay in Israaiill ay Suuriya ku gantay in kabadan 50 gantaal. Sababtuna ay tahay kicin dagaal kaqarxa gobolka.
“Iiraan waxay leedahay arrintaan waxba kama jiraan, in aan hal dhinac warkeeda qaadanno waxay noqonaysaa khalad. Waxaan la hadlay madaxweynaha Iraan Hassan Rouhani, mana ay ablayaan dhacdooyinka noocaan ah, sidaas darteed sax maahan inaad hoos u dagto. Tallaabooyin ku aaddan dhanka nabadda ayaa loo baahan in si dagdag ah loo qaado. Haddiise aan sidaas la yeelin, mustaqbalka bariga dhexe wuxuu galayaa dhibaato hor leh.Waa inaan xal u helnaa xaaladda taagan. Dalalka reer galbeedka waxaa looga baahan yahay in ay dib u eegaan habdhaqankooda u aaddan gobolka gaar ahaan Suuriya. ayuu yiri Erdogan
Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu kusii daray “Waa tallaabo kale oo loo qaaday dhanka argagixisnimada. Loomana dulqaadan karo falalka caynkaan”