Home Warar AKHRISO:-Gudiga doorashada gudoonka Baarlamaanka Puntland oo la magacaabay

AKHRISO:-Gudiga doorashada gudoonka Baarlamaanka Puntland oo la magacaabay

261

Gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee golaha wakiilada Puntland Yaasiin xuseen Xaaji Jaamac ayaa magacaabay Gudigii ka shaqeyn lahaa qabsoomida doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo labadiisa ku xigeen.

Gudiga doorashada Baarlamaanka ee uu magacaabay ku simaha gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa ka kooban 6 xubnood iyo gudoomiyahooda waxaana sida qorshuhu uu yahay ay ka shaqeyn doonaan qabsoomidda doorashada gudoonka Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Abtiile ayaa loo magacaabay gudoomiyaha gudiga doorashada gudoonka Golaha wakiilada Puntland.

Doorashada gudoonka golaha wakiilada Puntland ayaa la filayaa in ay dhacdo 4-bisha Janaayo oo ku beegan maalinimada Jimcaha ee soo socota, waxaana u sharaxan xilka gudoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen musharixiin gaaraya 8 musharax.