Friday, April 18, 2025
HomeWararAKHRISO:- Dowladda FS Oo Shaacisay Waqtiga Ay Imtixaanka Gelayaan Ardayda Baladweyne.

AKHRISO:- Dowladda FS Oo Shaacisay Waqtiga Ay Imtixaanka Gelayaan Ardayda Baladweyne.

Dowladda Soomaaliya ayaa 19-kii Bishii la soo dhaafay ee May waxa ay qaaday Imtixaanka kama dambeysta ah ee dugsiyada Sare ee dalka,balse waxaa imtixaankaas ka qeyb gelin oo uu ka baaqsaday Ardayda ku nool Baladweyne.

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad waxa uu ka sameeyey Magaalada Baladweyne iyo tuulooyinka hoostaga taas oo keentay in Sanadkaan Ardaydu ka qeyb geli waayaan imtixaanka balse Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa Maanta ku dhawaaqday waqtiga ay Ardayda Baladweyne gelayaan Imtixaanka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan oo Maanta gaarey Baladweyne ayaa sheegay in laga gudbay duruufihii sababay in ay ardaydaas geli waayaan imtixaanka sidaas daraadeena Berri oo ku beegan 24 Bisha June uu sirasmi ah imtixnaaka ugu bilaaban doono 1400,oo Arday.

Dawladda Soomaaliya ayaa horey dib ugu digtay imtixaanka Beledweyne kadib markii ay sameyn weyn ku yeelatay fatahadda wabigga shabeelle oo ku fatahay Baladweyne.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe