Tuesday, July 21, 2026
HomeWararGudahaJubbaland oo sheegtay in ay burburisay goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab

Jubbaland oo sheegtay in ay burburisay goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab

Saraakiil katirsan Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa guullo ka sheegtay howlgal ciidanka Daraawiishta oo kaashanaya Kumaandooska Danab ay ka fuliyeen duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Waxa ay sheegeen in la burburiyay goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab oo isugu jiray saldhigyo ay ka duullaan tagaan iyo xarumo ay lacago uga qaadaan Gaadiidka Dadweynaha ee isaga kala gudba deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose.

Saddexdii Maalin ee lasoo dhaafay waxaa Gobolka Jubada Hoose ka socday howlgallo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Ciidanka Federaalka ee Danab iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Jubbaland iyada oo deegaannada qaar dagaal kula galay Xumno katirsan Al-shabaab

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe