Wednesday, July 22, 2026
HomeWararGudahaDalalka Midowga Afrika oo ka digay in howlgalka AUSSOM uusan sii jiri...

Dalalka Midowga Afrika oo ka digay in howlgalka AUSSOM uusan sii jiri karin weligiis

Qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uusan sii socon karin muddo aan xad lahayn, iyagoo ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya inay dardargeliso diyaarinta ciidamada qaranka si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay The East African, dalalka Cameroon iyo Gabon ayaa muujiyay in hawlgal kasta oo nabad ilaalin ahi uu leeyahay dhammaad, ayna muhiim tahay in Soomaaliya isu diyaariso maalinta ay ciidamada shisheeye ka baxayaan dalka.

Dooddan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira maalgelinta howlgalka AUSSOM, kaddib markii Mareykanku muujiyay inuu ka soo horjeedo sii wadista taageerada Qaramada Midoobay ee howlgalka laga bilaabo sanadka 2027, arrintaas oo abuurtay shaki ku saabsan mustaqbalka howlgalka.

Warbixintu waxay xustay in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay hadda ka doodayaan sidii loo heli lahaa qorshe cad oo Soomaaliya ugu wareegeyso mas’uuliyadda amniga, iyadoo la tixgelinayo caqabadaha dhaqaale iyo kuwa amni ee wajahaya howlgalka.

Howlgalka AUSSOM ayaa billowday sanadkii 2025, isagoo beddelay ATMIS, waxaana ujeeddadiisu tahay taageeridda ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo xasilinta deegaannada laga saaray Al-Shabaab, iyadoo qorshuhu yahay in mas’uuliyadda amniga si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe