Sunday, July 5, 2026
HomeWararGudahaMaamulka Puntland oo shuruud ku xiray aqoonsiga heshiis kasta oo ay wadagalaan...

Maamulka Puntland oo shuruud ku xiray aqoonsiga heshiis kasta oo ay wadagalaan DFS & Turkiga

Maamulka Puntland ayaa sheegay in uusan aqoonsanayn heshiis weliba oo ay wada galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Tukirga iyada oo aanay la wargelin sida lagu xusay warka kasoo baxay Maamulkaas.

Puntland ayaa sheegatay in ay si iskeed ah uga faa’iidaysan karto Khayraatka ku jira Badda & dhaqaalaha buluugga ah ee xeebaha maamulkaas, Badweynta Hindiya & Gaanta Cadmeed oo dhererkoodu gaarayo ku dhawaad 1,600 oo Kiilomitirer sida hadalka loo dhigay.

Maamulka Puntland ayaa ku dooday in Qodobka 54aad ee Dastuurka Maamulkaas uu sidaas dhigayo, waxa uu kasoo horjeystay in shirkado iyo dowlado soo maray dhinaca Federaalka ay fuliyaan sahmin ama ka faa’iidaysiga Khayraatka Buluugga ah.

“Puntland waxa ay caddaynaysaa in Dastuur ahaan ay awood u leedahay maamulidda, ilaalinta, Sahminta & ka faa’iidaysiga Khayraatkeeda sida ku xusan Qodobka 54aad ee Dastuurkeeda, waxa ay maamulaysaa Khayraatka Badda iyo dhaqaalaha Buluugga ah ee xeebaha Puntland ee Badweynta Hindiya iyo Gacanta Cadmeed oo dhan 1,600 KM” Sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay Maamulka Puntland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe