Dagaal culus ayaa xalay ka dhacay degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika (AUSSOM).
Habeenkii oo dhan ayaa waxaa maqlayay rasaas xooggan iyo qaraxyo isdaba joog ah, kuwaas oo cabsi ku abuuray shacabka ku nool degmada iyo nawaaxigeeda. Ilaa hadda lama hayo xog rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka iyo burburka ka dhashay
Degmada Jannaale ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo muhiim u ah isku xirka waddooyinka sahayda ee gobollada koonfureed ee Soomaaliya. Degmadan ayaa horey u ahayd goob ay marar badan ka dhaceen dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda, kuwa Midowga Afrika iyo Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa dhowr jeer hore u beegsatay Jannaale, iyadoo adeegsatay weerarro toos ah, madaafiic iyo qaraxyo, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah meelaha ugu xasillooni darran gobolka.
Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo taliska ciidamada Uganda kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan weerarka xalay. Waxaa socda qiimeyn amni iyo hawlgallo dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo xaaladda guud ee deegaanka.

