Faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay ilaa saqdii dhexe ka socday qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo, gaar ahaan xaafadaha Warshida Xasay iyo Al-Faras, halkaas oo xaaladdu aad u kacsaneyd kaddib iska horimaad hubeysan.
Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo taageero ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo ciidamo la sheegay inay daacad u yihiin Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen). Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo si madax-bannaan u xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Rasaas culus, qaraxyo iyo hubka noocyadiisa kala duwan Ayaa xalay laga maqlayay qaybo badan oo magaalada ah, taasoo cabsi gelisay shacabka kuna qasabtay qaar ka mid ah qoysaska inay ka barakacaan goobihii ay deganaayeen.
Mid ka mid ah dhacdooyinka ugu murugada badan ayaa ahayd madfac nooca RPG ah oo ku dhacay guri ay deganaayeen dad rayid ah, kaas oo sababay dhaawaca hooyo iyo ilmo yar. Labada dhaawac ayaa loola cararay xarumo caafimaad, hase yeeshee weli lama shaacin xaaladdooda caafimaad.
Saaka waxaa magaalada laga dareemayaa degenaansho taxaddar leh, inkastoo ay weli ka jiraan xiisad iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xooggan. Shacabka ayaa ka cabsi qaba in dagaalku mar kale dib u qarxo.
Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha amniga ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, mana aysan soo saarin faahfaahin ku saabsan khasaaraha iyo sababta rasmiga ah ee dhalisay iska horimaadka.

