Monday, June 29, 2026
HomeWararGudahaXamsa Cabdi Barre oo xarrig jaray Laamiga Degmada Dayniile

Xamsa Cabdi Barre oo xarrig jaray Laamiga Degmada Dayniile

Xamsa Cabdi Barre ayaa saakay xarrig jaray Laamiga Degmada Dayniile oo dhismo ballaaran lagu sameeyay, waxaa wehliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Janaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada Dayniile iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa soo dhaweeyay Xamsa Cabdi Barre, Wasiirrad katrisan Xukuumaddiisa iyo Duqa Muqdisho ee Dayniile u tagay Xarrig jarka waddada Laamiga ah ee muddo howshiisu socotay.

Waddadaan waxa ay muhiim u tahay isu socodka Isgoyska Kulliyaddii Jaalle Siyaad ilaa Xarunta Degmada Dayniile, waxaana lagu xiray nalalka ku shaqeeya Ilayska Cadceedda iyada oo Dadka la faray in ay ka shaqeeyaan nadaafadda Waddadaas iyo wax weliba oo dhibaato ku ah bilicda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe