Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in wadahadalka Maraykanka uu yahay mid ku yimid qoray caaraddii isla markaana aanay ku dhallan hadal jileec iyo cabsi ay ka muujisay hubka & awoodda uu ku faanayo Dalkaasi sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalkaas.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X waxa uu ku sheegay in wadahadallada ay yihiin kuwo ay Iiraan uga cad-goosanayso cadawgeeda oo marka uu shuruud soo hor dhigo ay mid lamid ah hordhigeyso si ay u muujiso awoodda ay leedahay.
Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa intaasi ku daray in Shacabkiisu ay gaareen guullo muhiim ah oo la taaban karo maadaama ay u babac-dhigeen cadawga kusoo duullay oo ay gaarsiiyeen khasaaro xooggan oo muddo ka sheekeen doonno.

