Monday, May 11, 2026
HomeWararGudahaMagaalada Muqdisho oo shalay lagu arkay saddex diyaaradood oo nooca F-16

Magaalada Muqdisho oo shalay lagu arkay saddex diyaaradood oo nooca F-16

Waxaa magaalada Muqdisho shalay lagu arkay saddex diyaaradood oo dagaal oo Turkish ah nooca F-16, xilli ay socdeen mudaharaadyo ay mucaaradku ku diidan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn siyaasadeed iyo walaac ku saabsan xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan iyadoo ay soo dhowdahay dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud.

Dowladda ayaa waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho geysay gaadiid ciidan iyo hub casri ah oo la sheegay inay Turkey soo saartay, halka amniga si weyn loo adkeeyay. Sidoo kale ciidamada sida gaarka ah u tababaran iyo kuwa NISA ayaa lagu arkayay hareeraha guryaha qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, taasoo sii kordhisay xiisadda siyaasadeed ee magaalada Muqdisho.

Falanqeeyayaal badan ayaa aaminsan in duulimaadyada diyaaradaha Turkish-ka ay fariin taageero u yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya xilli uu muran xooggan ka taagan yahay doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadda dalka. Inkastoo dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turkey aysan weli si rasmi ah uga hadlin arrintan, haddana shacabka iyo siyaasiyiinta ayaa si weyn uga doodaya saameynta faragelinta dibadda iyo khatarta ay ku yeelan karto xasilloonida dalka.

Magaalada muqdisho waxaa ka taagan cabsi oo xoogan oo ah in uu Dagaal dhaco.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe