Sunday, November 16, 2025
HomeWararGudahaDowladda Ingiriiska oo degenaashiyaha rasmiga ah u diidi doonta Dadka Tahriibka ku...

Dowladda Ingiriiska oo degenaashiyaha rasmiga ah u diidi doonta Dadka Tahriibka ku gala Dalkaas

Dowladda Ingiriiska ayaa dejisay qorshe ay ku dooneyso inay isaga xakamayso qulqulka soogalootiga ku kordhay sanadihii lasoo dhaafay kuwaas oo dedaal ugu jira sidii ay u heli lahaayeen sharciga Dalkaas uu siiyo qofka magangalyo doonka ah.

UK ayaa istaraatiijiyad cusub u degtay Dadkaas waxaana ay qaadday tallaabo ay ku dooneyso sidii ay u xakamayn lahayd iyada oo qofka lagu adkaynayo helista degenaashiyaha rasmiga ah ama joogtada ah balse la siinayo mid kumeel-gaar ah.

Si arrintaan loo dhaqangeliyo, waxaa todobaadkaan bartamihiisa Baarlamaanka Ingiriiska la horgeynaya sharci ay diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Britain oo ah in qof weliba oo sifo sharci darro ah ku gala dalkaas la siinayo degenaashiyo kumeel-gaar ah.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Ingiriiska, Shabana Maxamuud ayaa Baarlamaanka Dalkeeda la wadaagi doonta qorshahaan iyo kuwo cusub oo dheeraad ah oo loo arko in ay xad u noqon karaan qulqulka aan dhammaadka lahayn ee soogalootiga.

Ajaanibta qorshahaan uu saamaynta taban ku reebayo waxaa kamid ah Soomaalida dalkaas ku tagaysa tahriibka iyaga oo isaga kala gudbaya dalal badan oo dhaca Qaaradda Yurub si ay ugu dambayn u saldhigtaan Dalkaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe