Saturday, October 31, 2026
HomeWararGudahaHowlgalka AUSSOM oo war ka soo saaray diyaarada ku burburtay Garoonka Muqdisho

Howlgalka AUSSOM oo war ka soo saaray diyaarada ku burburtay Garoonka Muqdisho

Howlgalka Midowga Afrika ayaa shaaciyay in diyaarad qumaatiga u kacda oo ay leeyihiin ciidamada Uganda, kuwaasoo ka tirsan hawlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ay si degdeg ah ugu dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradda oo ka timid saldhigga milateri ee Baledogle ayaa ku sii jeeday garoonka Muqdisho, hase yeeshee waxay ku dhacday xilli ay kusoo dhowaatay in ay degto.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka AUSSOM, saddex ka mid ah siddeedii qof ee saarnaa diyaaradda ayaa si degdeg ah loo badbaadiyay waxaana loola cararay isbitaalka heerka labaad ee AUSSOM ee Muqdisho si loo siiyo daryeel caafimaad.

Howlgallo badbaadin ayaa weli socda si loo helo inta kale ee rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda.

Hay’adaha duulista hawada ayaa bilaabay baaritaanno si loo ogaado sababta keentay shilka diyaaradeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe