Friday, October 30, 2026
HomeWararGudahaCiidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo la wareegay tuulooyin hoostaga Xawaadley

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo la wareegay tuulooyin hoostaga Xawaadley

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhaxe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo ku dadka deegaanka ay aroornimadii hore ee saakay si buuxdo ula wareegeen tuulooyinka Bacaadley iyo boodaale oo ka tirsan gobolkaas.

Ciidamada is kaashanaya ayaa weerar qorsheysnaa ku qaaday tuulooyinkaan oo dhacda jiinka Wabiga Shabeelle, islamarkaana ka mid ah tuulooyinka muhiimka ah ee hoostaga deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo haatan gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeshee wali si rasmi ah looma oga inta uu dhan yahay khasaaraha dhabta ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in howlgalka saakay kula wareegeen tuulada Bacaadley iyo Boodaale iney jab xoogan ku gaarsiiyeen kooxda.

Howlgalkaan saakay aroortii hore ka dhacay tuulada Bacaadleey iyo Boodaale ayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay maleeshiyaadka Al-shabaab ay si aad u soo buux dhaafiyeen deegaano badan oo hoostaga degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe