Masar iyo Jabuuti ayaa u soo jeediyay inay taageeraan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya kaasoo bedeli doona ciidamo la mid ah oo shaqada ka fariisanaya dhammaadka sanadkan sida uu sheegay ururka Midowga Afrika.
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa kulmay 1-dii Agoosto, waxaana ay taageereen dhismaha howlgalka cusub ee loo yaqaanno Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, ama Aussom.
Goluhu wuxuu soo dhawaynayaa yabooha Masar iyo Jabuuti ee ah inay gacan ka geystaan arrimaha Aussom waxayna ku dhiirigelinayaan dawladaha kale ee xubnaha ka ah Midowga Afrika ee awooda inay sidaas sameeyaan inay wax ku biiriyaan,” ayuu Midowga Afrika ku yidhi qoraal email ah.
Midowga Afrika ayaa markii ugu horeysay soo farageliyay Soomaaliya sanadkii 2007-dii, waxaana tan iyo xilligaas ku sugnaa ciidamo ka socda dalal ay ka mid yihiin Kenya, Uganda iyo Burundi oo taageeraya dowladda curdunka ah.

