Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta oo Arbaca ah la kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Mudane Hissein Brahim Taha. Kulanka oo ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa barbar socday shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC.
Wasiir Fiqi iyo Xoghaye Taha ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo isku xirka Soomaaliya iyo OIC. Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta wadashaqeynta kala dhaxeysa hay’adda si loo hormariyo hindisayaasha wadajirka ah, waxaana ay ka wada hadleen horumarka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bini’aadantinimada, iyo amniga.
Xoghaye Taha ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xaqiijinta horumarka, xasilloonida, iyo la dagaallanka argagixisada. Waxa uu dib u xaqiijiyey taageerada joogtada ah ee OIC ee hadafyada iyo yoolalka istiraatijiyadeed ee Soomaaliya.
Guddiga fulinta ee OIC ayaa ka hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dambiyada joogtada ah ee ay Israa’iil ka geysaneyso shacabka Falastiin iyo ku xad-gudubka ay ku hayso madax-bannaanida Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan. Wasiirrada Arrimaha Dibadda waxay dib u xaqiijiyeen mabda’a ixtiraamka madaxbannaanida qaranka, midnimada dhuleed, iyo madax-bannaanida dhammaan dawladaha xubnaha ka ah, si waafaqsan mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay iyo OIC. Waxay sidoo kale si kulul u cambaareeyeen dilalka siyaasadeed ee lagu bartilmaameedsanayo madaxda Falastiin.
Kulanka ayaa dhacay iyadoo ay sii xoogeysatay xiisadda ka dhalatay dilkii hoggaamiyihii Xamaas Ismail Haniyeh ee Tehran, weerarkaas oo sii huriyay hanjabaado aargoosi ah oo ka dhan ah Israa’iil isla markaana kor u qaaday walaaca laga qabo isku dhac ballaaran oo Bariga Dhexe ah.

