Guddiga Qaran ee La-dagaalanka Lacag-dhaqidda iyo Maalgelinta Argagaxisada ayaa cunaqabateyn dhaqaale ku soo rogay madaxda sare ee Al-Shabaab iyadoo ujeedadu tahay in la carqaladeeyo howlaha kooxda iyo in la yareeyo khatarta falalka argagixisada ah ee Soomaaliya.
Qoraalka guddiga ayaa lagu sheegay in cid kasta oo taageerta Al-Shabaab ay la kulmi doonto cunaqabateyn sida dadka caanka ah ee kooxda sida ku xigeenka Mahad Cabdiraxmaan Warsame oo loo yaqaano Karatey Abuu C/raxmaan Warsame waxa uu kor kala socdaa amniga, dhaqaalaha iyo dhaq-dhaqaaqyada warbaahinta kooxda fallaagada.
Shaqsiyaadka kale ee ugu muhiimsan ee liiska cunaqabateynta lagu soo rogay waxaa ka mid ah Yuusuf Axmed Xaaji Nuunow oo loo yaqaano Geescadde Bishaari oo ah taliyaha nabad sugida Wuxuu qorsheeyaa oo uu fuliyaa howlgallada amniga qaraxyada iyo dilalka qorsheysan. C/kariin Cismaan Jilacow oo loo yaqaan Mustafa Caato oo ah taliyaha ciidamada nabadsugidda gobolka, isla markaana howlo la mid ah ka wada gobollada ayaa sidoo kale la cunaqabateeyey.
Nuur Cabdi Rooble oo loo yaqaano Nuunule ayaa taliya ciidamada maleeshiyada ee gobolka Mudug, wuxuuna udub dhexaad u yahay colaadaha gobolada dhexe. Intaa waxaa dheer, Bakar Baashe Aadan Axmed oo loo yaqaan Shariif wuxuu kormeeraa ururinta sakada iyo dakhliga ka soo gala ganacsiyada gobollada Baay iyo Bakool.
Liiska cunaqabataynta waxa sidoo kale ku jira shaqsiyaad ay hore u cadeeyeen Guddida Qaranku Waxaa ka mid ah Abuukar Cali Aadan oo loo yaqaan C/llaahi Garweyne, Xijaama oo ah ku xigeenka Hogaamiye ku xigeenka Kooxda Shabaab kaasoo qeyb weyn ka qaata qorsheynta iyo kormeerka howlgallada ciidamada Maxamed Mire Jaamac oo loo yaqaan Mire, waa taliyaha ciidamada amniga ee gobolka kormeera howlaha amniga gobolka Xasan Yacquub Cali Bari oo loo yaqaan Khawlajan Abu Cabbaas, Madaxa Golaha Shuurada, wuxuu kormeeraa jihaynta diinta iyo fikirka ee kooxda dhexdeeda.
“Guddigu waxa uu higsanayaa in uu la dagaalamo maalgelinta argagixisada iyo in la dhimo khataraha ka iman kara falalka argagixisanimo ee dalka, iyadoo la aqoonsanayo lana cunaqabateynayo shaqsiyaadka iyo hay’adaha xiriirka la leh xagjiriinta, guddigu waxa uu doonayaa in uu carqaladeeyo oo ciqaabo kuwa taageera argagixisada si kor loogu qaado amniga qaranka” warbixinta ayaa lagu sheegay.
Liiska cunaqabataynta dhamaystiran ee dawladdu waxa uu muujinayaa ballan-qaad cusub oo lagu dhimayo saamaynta iyo maalgelinta Al-Shabaab Cunaqabatayntan ayaa qayb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo lagu xasilinayo Soomaaliya laguna xoojinayo amniga qaranka.
Shakhsiyaadka aaminsan in si khalad ah loo cunaqabateeyey waxay xaq u leeyihiin inay racfaan ka qaataan si waafaqsan Xeerka Cunaqabataynta Maaliyadeed ee 2023 Racfaannada waxa loo gudbin karaa Guddiga Qaranka si ay u eegaan isbeddelana waa la samayn karaa haddii caddayn ku habboon la keeno. Shakhsiyaadka waxay rafcaan u qaadan karaan Maxkamadda Sare haddii aysan ku qanacsanayn jawaabta guddiga.

