Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay Qarax xooggan kaasoo laga maqmay guud ahaan xaafadaha magaalada baladweyne sida laga helayo goobta uu qaraxu ka dhacay miino dhulka lagu aasay ayaa la qarxiyay iyadoo aan la ogeyn ujeedada laga lahaa iyo cidda lala beegsanayay.
Dhimasho laba ruux ah ayaa la sheegay iyo dhawaca 3 kale inkastoo uusan jirin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan qaraxa qaraxa miino ayaa ka dhacay magaalada Baladweyne gaar ahaan xaafada xaawo taako ,
Weerarada is qarxinta iyo miinooyinka dhulka lagu aaso waxaa aad ugu caan baxay kooxda dagaalka kula jirta Dowladda Soomaaliya ee Al-Shabaab.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Beledweyne oo ku aadan qaraxaasi.
Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo katirsan kuwa ammaanka ee magaaladaas.
Beledweyne ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal amni darri oo isugu jiro dilal iyo qaraxyo ay ka fuliyaan Ururka Al-Shabaab.
Weerarkan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan ay howlgallo culus ka socdaan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kooxda Macawiisleyda.

