Saturday, April 18, 2026
HomeWararDibaddaATMIS oo Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ku Wareejiyay Saldhigii hore ee...

ATMIS oo Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ku Wareejiyay Saldhigii hore ee Cabdalla Biroole ee Jubbaland.

Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa shalay lagu wareejiyey Saldhigga hore ee Abdalla Biroole (FOB) ee Jubaland State, taasoo noqonaysa saldhigga afaraad ee lagu wareejiyey wajiga saddexaad ee dhimista ciidamada ATMIS. Wareejinta saldhigan ayaa looga gol leeyahay in si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo mas’uuliyadaha amniga ee maamulka Soomaaliya.

Munaasabadda wareejinta deeqdan ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan ATMIS, kuwaasi oo bogaadiyay sida ay isaga kaashanayaan ciidamada huwanta, dadka deegaanka, iyo saaxiibada caalamiga ah ee howlgallada adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab looga xoreynayo dalka.

Wareejinta Saldhiga Horudhaca ah ee Cabdalla Biroole (FOB) ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday ka bixitaanka ciidamada ATMIS-ta, iyadoo la waafajinayo dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo ciidamada Soomaaliya iyo sidii loo dhisi lahaa hannaan amni oo adag oo isku filan. Iyadoo Soomaaliya ay sii waddo inay ku sii socoto wadadii ay u mari lahayd nabadda iyo xasilloonida, iskaashiga ka dhexeeya saaxiibada caalamiga ah iyo ciidamada qaranka ayaa weli ah tiir-dhexaadka istiraatijiyadda kala guurka.

Xafladda ayaa lagu soo gabagabeeyay xaqiijinta taageerada iyo wadashaqeynta joogtada ah ee ka dhexeysa ATMIS iyo hay’adaha amniga Soomaaliya taasoo muujineysa sida ay uga go’an tahay xasilloonida iyo barwaaqada Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe