Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo ku-simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa maanta oo Sabti ah gaaray magaalada Dhuusomareeb si ay ula kulmaan madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.
Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, Charles Mballa iyo Massimo Nicoletti Altimeri oo ah Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay ayaa ka mid ahaa Wafdigaasi.
Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ahna Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo heer qaran ah, sida geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, qorshayaasha doorashooyinka, amniga, iyo caqabadaha bani’aadanimo. Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa qiray doorka muhiimka ah ee Madaxweyne Qoor Qoor uu ku leeyahay taageeridda geeddi-socodkan, wuxuuna ku dhiirri-galiyay inay noqdaan kuwo wada tashi ah oo loo dhan yahay si sare loogu qaado rajada laga qabo in si guul leh loo fuliyo.
Kusimaha Ergayga oo warbaahinta gudaha kula hadlay magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay ka walaacsan tahay colaad beeleedyo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay deegaano ka tirsan Galmudug.
“Waan ka tacsiyadeyneynaa dadkii ku dhintay, waxaan Madaxweyne Axmed ku bogaadinayaa sida degdega ah ee uu u sameeyay guddi heer wasiirro ah oo heer gobol ah oo dhex dhexaadin ah oo ka qeyb qaata xallinta khilaafka, waxaan codsaneynaa in arrintan iyo wax kasta oo dib u heshiisiin ah oo wax tar u leh laga shaqeeyo sidii arrimahaas loo xallin lahaa. isku dhacyada sida ugu dhakhsaha badan,” ayuu yidhi.
Dagaal beeleed todobaadkii hore ka dhacay ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 30 ruux iyo dhaawaca in ka badan 50 kale oo ka dhacay deegaan miyi ah oo u dhaxeeya Goldogob iyo Saax Qurun ee gobolka Mudug. Dagaalkan ayaa waxaa ku lug leh maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelaha Sacad iyo Lelakase oo ka dhashay muran dhul.
Dhanka howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayuu ergaygu xusay in madaxweyne Axmed Madoobe uu ku nuux nuuxsaday in muhiimadda amniga Galmudug ay weli tahay sidii looga hortagi lahaa Al-Shabaab, islamarkaana lagu guuleystay in la soo gabagabeeyo qorshayaashii hore ee maamulkaasi. Waxa uu qiray caqabadda weyn ee ka heysata dib u dhiska bulshooyinka ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.
“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay iskaashiga wax ku oolka ah ee ay la leedahay Dowlad Goboleedka Galmudug si loo horumariyo horumarinta Booliska iyadoo loo marayo dadaallo iskaashi oo lagu sameeyo Barnaamijka Wadajirka ah ee Booliska. Waxaan rajeyneynaa inaan dhisno iskaashigan wax soo saarka leh,” ayuu ku daray intii uu socday shirka jaraa’id.
Mudane Swan ayaa ku celceliyay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay in Galmudug ay ka taageerto sidii ay u heli lahayd dowladnimada iyo nabad-dhiskeeda, wuxuuna uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo dowladdiisa wadashaqeynta xooggan ee ay la leeyihiin.

