Friday, April 24, 2026
HomeWararDibaddaRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Sare Ee...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Sare Ee Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa daah furay Imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare ee 2023-2024.

Sannadkan, in ka badan 37,000 oo arday oo ku nool Soomaaliya ayaa ka qayb-galaya imtixaanka, taasoo muujinaysa horumar la taaban karo oo dhinaca waxbarashada ah ee dalka.

Intii ay socotay munaasabadda furitaanka ayaa Ra’iisul Wasaare Barre waxa uu ku ammaanay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare dadaalka ay ugu jirto horumarinta nidaamka imtixaanaadka casriga ah. Waxa uu ku nuux-nuux saday in waxbarashadu ay ka mid tahay waxyaabaha ugu horreeya ee ay dowladda Soomaaliya u baahan tahay, isla markaana ay barbar socoto amniga.

“Maanta waa maalin weyn oo xaqiijinaysa mid ka mid ah himilooyinka shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Barre. “Waxbarashadu waa hadaf weyn oo ay dowladdu u aragto mudnaanta, sida amniga. Maalmaha uu imtixaanku socdo dhammaanteen waa inaan u noqonaa askar ka tirsan wasaaradda waxbarashada oo aan kala shaqayno sidii uu imtixaanku u guulaysan lahaa”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay ka qeyb qaadashada bulshada si loo xaqiijiyo guul ka gaarista howlaha imtixaanaadka. Bulshada Soomaaliyeed ayuu kula dar daarmay in ay Wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adaha Amniga ku garab istaagaan sidii ay u fududeyn lahaayeen habsami u socodka Imtixaanaadka.

Imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkan ayaa ah mid si gaar ah muhiim u ah maadaama lagu qaadi doono magaalooyin kala duwan oo aan horay loogu qaadin. Ballaarintan lagu sameeyay xarumaha imtixaanku waxa ay daliil u tahay sida ay dawladda uga go’an tahay in ay fursado waxbarasho siiso ardayda dalka oo dhan.

Imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare ayaa ah tallaabo muhiim u ah socdaalka waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed, waxaana sida wanaagsan uu u dhacay Imtixaanka mid ka tarjumaya sida ay dowladdu ugu heelan tahay horumarinta kaabayaasha waxbarashada dalka.

Imtixaanku markuu bilaabmayo, qaranku waxa uu rajaynaya guulihii ay ardaydu gaadheen iyo horumarka dhinaca waxbarashada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe