Wada xaajoodyada ku saabsan maalgelinta ciidamada cusub ee bedelaya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa noqday mid adag. Sida laga soo xigtay ilo diblumaasiyadeed, Midowga Yurub iyo Mareykanka labaduba waxay muujiyeen in ay danaynayaan.
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa dhawaan ansixiyay howlgal cusub oo Midowga Afrika uu hoggaaminayo si ay u taageeraan kala guurka Soomaaliya kaddib markii ATMIS la soo gebagebeeyo dhammaadka 2024-ka.
Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay inaysan weli ka jawaabin soo jeedinta dalalka reer Galbeedka ee ku aadan in qorshaha cusub ee ciidamada uu ku socdo si taxadar leh oo aan lagu degdegin. La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in codsiga dib u dhigista bishan uu waafaqsan yahay qorshaha lagu dhimayo howlgalka ATMIS-ka si tartiib tartiib ah.
Jimcihii shalay Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Richard H. Riley, ayaa la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gen. Michael E. Langley, Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM). Waxa ay ka wadahadleen iskaashiga dhanka amniga ee istiraatijiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka,iyaga oo diiradda lagu saaray tallaabooyinka wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada.
Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa xusay in ay taageersan yihiin, mabda’ ahaan, soo jeedinta dowladda Soomaaliya ee ah in la sameeyo howlgal cusub. Si kastaba ha ahaatee, afhayeenku wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in laga fogaado gal-daloolooyinka amniga iyo in la galo kharashaad aan loo baahnayn oo ka sarreeya hawsha hadda loo igmaday.
Sida laga soo xigtay saddex ilo diblomaasiyadeed oo si dhow ula socda xaaladda, Midowga Yurub wuxuu raadinayaa qaab-dhismeed ka adag waxa ay Soomaaliya rabto in la dhiso ciidamo cusub. Labo diblumaasiyiin oo ay wareysatay wakaaladda wararka ee Reuters, kuwaas oo rabay in aan magacyadooda la shaacin ayaa tilmaamay in Mareykanka iyo Midowga Yurub ay doonayaan in ay hoos u dhigaan howlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.
Howlgalka cusub ayaa ujeedkiisu yahay hoos u dhigista Al Shabaab, sugidda amniga, iyo gacan ka geysanaya dadaallada dowlad dhisidda. Habka wajiga 3-aad ee dhimista ciidamada ATMIS ayaa la ansixiyay, iyadoo 4,000 oo shaqaale ah laga saari doono laba qeybood Sebtember 2024. PSC ayaa walaac ka muujisay nusqaamaha awoodda ka dib dhimista, taasoo u ogolaan karta Al Shabaab inay dib isu abaabulaan.
Saamaynta dhaqaale ee dhimista wejigeeda ayaa si weyn looga hadlay. PSC ayaa iftiimisay baahida loo qabo abaabulka kheyraadka la taaban karo si loo taageero kala guurka. Waxaa loo yeeray Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si loo helo maalgelin si loo xaqiijiyo hirgelinta howlgalka cusub. Lacagahaasi waxa ay ku lug leeyihiin bixinta kharashaadka hawlgalka iyo maalgelinta tayeynta ciidamada ammaanka Soomaaliya si looga hortago habacsanaanta amniga iyo in la helo xasillooni waarta.

