Sunday, April 26, 2026
HomeWararDibaddaUganda oo heshiis la saxiixatay Imaaraadka si ay u dhisto garoon...

Uganda oo heshiis la saxiixatay Imaaraadka si ay u dhisto garoon cusub oo caalami ah.

Uganda ayaa heshiis la saxiixatay urur ganacsi oo ka socda Imaaraadka Carabta si loo dhiso garoon cusub oo caalami ah, xafiiska madaxweynaha Yoweri Museveni ayaa sidaas sheegay .

Heshiiska madaarka saddexaad ee dalka ayaa ballaarinaya raadadka dhaqaale ee Imaaraadka Carabta oo ka baxsan danaha uu ka leeyahay tamarta la cusboonaysiin karo iyo warshadaha saliidda iyo gaasta.

Gegida diyaaradaha ee ugu weyn waa Entebbe, oo ku taal xeebta waqooyi ee harada Victoria, ee bartamaha Uganda. Garoonka caalamiga ah ee Kabalega oo ku yaala degmada Hoima ee qaniga ku ah saliida ee galbeedka Uganda ayaa dhismahiisu socdo.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Imaaraatka Carabta ee Sharjah ayaa ka dhisi doonta garoonka meel ka baxsan Beerta Qaranka ee Kidepo ee waqooyi bari ee u dhow xadka Uganda ay la wadaagto Kenya, xafiiska Museveni ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, iyadoo aan la bixin kharashka.

Dhismuhu wuxuu bilaabmi doonaa bisha Agoosto, ayuu yidhi Abdallah Sultan Al Owais, gudoomiyaha ururka ganacsiga ee Sharjah.

Kenya iyo UAE oo kala saxiixday heshiis iskaashi dhaqaale
Garoonku wuxuu kor u qaadi doonaa dalxiiska isagoo soo jiidanaya dadka soo booqda beerta Kidepo ee 1,442 sq-km oo caan ku ah libaaxyada, geriga, gisi iyo ugaadh kale oo waaweyn.

“Heshiisku wuxuu calaamad u ahaa xiriirka qoto dheer ee aan la leenahay saaxiibada Khaliijka iyo fursad kale oo aan isaga kaashaneyno maalgashiga iyo ganacsiga”, Museveni, oo goobjoog ka ahaa saxiixa, ayaa ku yiri boostada X.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe