Sunday, April 26, 2026
HomeWararDibaddaCiidamo Itoobiyaan ah oo gaaray maanta degmada matabaan ee gobolka Hiiraan.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray maanta degmada matabaan ee gobolka Hiiraan.

Ciidamo lagu qiyaasayo dhawr kun oo askari oo wata gadiid dagaal iyo hub culus, kana socda dowladda Itoobiya ayaa maanta soo gaarey Degmada Matabaan ee Hiiraan oo ay fariisimo ka sameesteen.

Ciidankan oo dhowr cisho kahor kasoo gudbay xad beneedka Feer feer ayaan la ogeyn qorshaha rasmiga ah ee ay ku socdaan.

Ilo dadka deegaanka ayaa sheegay warbaahinta inay arkayaan gaadiidka ciidamada oo isaga kala goosha deegaanka, taas oo keentay in dhaq-dhaqaaqyo laga dareemo halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay isaga baxayaan saldhigyo ay ku leeyihiin gobolka hiiraan , halkaas oo ay marar badan kula dagaalameen Al-Shabaab.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka, kan gobolka iyo saraakiisa ciidamada Xoogga dalka ee ku aadan dhaq ku aadan ciimadan itoobiya ee soo gaaray degmada matabaan ee gobolka hiiraan.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhowaan isaga baxay xero ay kaga sugnaayeen magaallo xeebeedka Kismaayo, kuwaas oo qayb ka ahaa howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

qorshaha bixitaankooda uu qayb ka yahay dhimsta ciidamada ka socda howlgalka Midowga Afrika ee jooga gudaha Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Itoobiyaanku wadaan qorshe lagu soo galinayo dalka in ka badan 20-kun oo askari oo ku Kala wajahan gobolada Gedo, Bakool, Hiiraan ilaa Galgaduud.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe