Sunday, April 26, 2026
HomeWararDibaddaCiidanka Xoogga Dalka oo Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay Gobolka...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay Gobolka Hiiraan.

ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen deegaanada ku teedsan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Hawlgalka ayaa ujeedkiisu yahay in la bilaabo olole cusub oo lagu xoraynayo goobaha ay weli gacanta ugu jiraan Al-Shabaab iyo sidii gobolka oo dhan looga soo celin lahaa gacantooda.

Saraakiisha sare ee hogaamineysa ciidamada XDS ayaa muujiyay sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay howlgalkan, iyagoona wacad ku maray in aysan waxba ka hagran doonin dadaalka ay ugu jiraan sidii gobolka Hiiraan looga sifeyn lahaa Al-Shabaab. Weerarku wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo qayb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo lagu wiiqayo awoodda kooxda xagjirka ah ee gobolka iyo soo celinta nabadda iyo xasilloonida.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, ayaa waxay garab taagan yihiin Ciidamada XDS iyo Maleeshiyo beeleedyada deegaanka ee hawlgalkaasi ku hawlan. Waxa ay ku booriyeen ciidamada in ay sii wadaan dadaalkooda inta gobolka uu ka xoreynayo khatarta Al-Shabaab.

Gobolka Hiiraan ayaa weli ah goob muhiim u ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa beelaha deegaanka ay ku jiraan dagaal aan loo meel dayin oo ay ku doonayaan inay kaga adkaadaan kooxda Al-Shabaab. Guusha weerarkan cusub waxa ay noqon kartaa isbedel muhiim ah oo ka dhaca iskahorimaadka, taas oo muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimid dheelitirka awoodda.

Beesha Caalamka ayaa weli si dhow ula socota xaaladda Soomaaliya, iyadoo dalal iyo ururo badan ay dowladda Soomaaliya ka taageeraan la dagaalanka argagixisada. Natiijadii ka soo baxday howlgalkan ayaa saameyn ballaaran ku yeelan karta mustaqbalka dalka iyo dadka.

Iyadoo ciidamada XDS iyo maleeshiyaadka deegaanka ay ku sii qul qulayaan duullaankooda, ayaa dadka reer Hiiraan iyo guud ahaan Soomaalida inteeda kale ay neeftuuraysaa, iyagoo rajeynaya in guulo la taaban karo laga gaaro Al-Shabaab, isla markaana loo qaado mustaqbal nabad iyo xasilloon.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe