Saturday, June 20, 2026
HomeWararDibaddaAFRICOM oo beenisay in Mareykanka uu dilay dhakhaatiir Cuba u dhashay.

AFRICOM oo beenisay in Mareykanka uu dilay dhakhaatiir Cuba u dhashay.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in aysan ku lug laheyn dilka la sheegay in lagu dilay labo dhaqaatiir ah oo u dhashay dalka Cuba, kuwaasi oo kooxda Al-Shabaab ay ku eedeysay in ay ku dhinteen duqeynta Mareykanka uu ka fuliyay Soomaaliya bishii February.

Qiimeyntii ugu dambeysay ee waxyeelada rayidka ee saddexdii biloodba mar ay daabacday Taliska Mareykanka ee Afrika, sidoo kalena loo yaqaano AFRICOM, ayaa xaqiijineysa in ciidamada Mareykanka ay duqeyn cirka ah ka fuliyeen meel u dhow magaalada Jilib 15-kii February, balse waxay beeniyeen in duqeynta ay sababtay dhimashada dhakhaatiirta.

“February 17, 2024, talisku waxa uu helay hal (1) warbixin ah ilo war-baahinta online-ka ah oo sheegaysa in laba (2) qof oo rayid ah lagu dilay hawlgal ay ciidamada Maraykanku ka fuliyeen agagaarka Jilib, Soomaaliya, Feb. 15. 2024,” ayaa lagu yiri qiimeynta.

“Talisku wuxuu soo gabagabeeyey dib u eegis lagu sameeyay xogta la hayo, wuxuuna qiimeeyay in duqeyntii Mareykanka ee dhacday Febraayo 15, 2024, aysan ka dhalan waxyeello rayid ah.”

Iyagoon wax caddayn ah soo bandhigin, Al-Shabaab ayaa xilligaas sheegtay “duqeymaha cirka” inay ku dileen Assel Herrera iyo Landy Rodriguez. Labadan qof ayaa ku jiray gacanta maleeshiyada tan iyo bishii April 2019, markaasoo laga soo afduubay degmada Mandheera ee waqooyi bari Kenya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe