Sunday, June 21, 2026
HomeWararDibaddaDuqeyn diyaaradeed oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhacay...

Duqeyn diyaaradeed oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Mudug.

Dhowr maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday deegaanka Baraag Garguurte oo ka mid ah tuulooyinka ku dhow degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Deegaanka la duqeeyay ayaa qiyaastii 20 KM u jira degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Federaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa maalmihii la soo dhaafay la beegsaday goobo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

“Maalmahan Khawaarijtu waxay deegaanka soo gelinayeen gaadiid, duqeynta waxaa lagu burburiyay gaadiid ciidan, waxaana lagu dilay xubno ka tirsan argagixisada, sidoo kale waxaa lagu gubay saddex gaari,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladdu ma aysan cayimin tirada maleeshiyada lagu dilay duqeyntaasi, balse waxay xustay in kooxdaasi uu khasaare xooggan soo gaaray.

Weerarka ka dhacay Baraag Garguurte ayaa kusoo beegmaya iyadoo inta badan deegaanada koonfurta gobolka Mudug ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe