Sunday, June 21, 2026
HomeWararDibaddaCiidamo dhawaan gadooday oo laga qaadayo Kontorool ay horay ula wareegeen

Ciidamo dhawaan gadooday oo laga qaadayo Kontorool ay horay ula wareegeen

Ciidamo dhawaanahaan ay u xirnayd qaybo ka mid ah Magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in dib loogu celiyo xeryahoodii hore, waxaana socda haatan dadaaladii ugu dambeeyay ee Ciidankaasi dib loogu celinayo.

Ciidamadaasi ayaa ahaa Ciidamo gadoodsanaa oo fadhiyay kantaroolka Laacdheer ee magaalada Garoowe, waxaana waayadaan socday waan-waan dib loogu celinayo ciidankaasi.

Sida wararku sheegayaan Galabta ayaa lagu wadaa in  halkaas laga qaado Ciidankaasi, waxaana lagu celin Taliskoodii Ligle oo ahaa meeshii xarunta u ahayd Ciidankaasi waayadaan gadoodsanaa.

Kantaroolka laga qaaday Ciidamada waayadaan gadoodsanaa, ayaa waxaa goobihii ay haysteen lagu wareejin doono Ciidanka Boolis ah oo ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe