Friday, June 19, 2026
HomeWararDibaddaShacabka Baladwyne oo ka hadlay Xernaashiyaha Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif

Shacabka Baladwyne oo ka hadlay Xernaashiyaha Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif

Howlaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaalif  ee magaalada Baladweyne  ayaa maanta hakad galay kadib markii roobka deyrta uu curta oo sameyn ku yeeshay howlaha garoonka.

Qeybta dhabaha diyaaradaha ku ordan ayaa lagu waramaya in ay dhex jiifaan biyo ka soo fatahay buuraha ku hareereysan garoonka taasoo hakad gelisay howlaha garoonka diyaaradaha Baladweyne.

Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne ayaa  u xaqiijiyay   warbaahinta in maanta aysan jirin diyaarad ka soo dageysa ama ka duuleysa garoonka.

“Maanta waxaa hakad ku yimid howlaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, ma jirto diyaarad ka soo dageysa ama ka duuleysa garoonka, sababto ah, qeybta diyaaradaha ku ordan ee ‘runway-ga’ayaay  biyo dhex fadhisteen taas ayaana keentay in howlaha garoonka ay hakad galaan”ayuu yiri mid ka mid ah howl-wadeennada garoonka diyaaradaha Baladweyne.

Garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku xeeran buuro kuwaas oo waadiyaasha ka soo baxa buuraha ay toos u soo galan garoonka. Biyaha ay keenaan waadiyaashaas ayaa  inta hakad geliya howlaha garoonka.

Maamulka gobolka oo kaashanaya hay’adaha ka howl gala gobolka ayaa wada dadaalo iyo dhismooyin garoonka looga leexinayo biyaha

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe