Friday, May 1, 2026
HomeWararDibaddaCiidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka sameeyay koonfurta gobolka Mudug

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka sameeyay koonfurta gobolka Mudug

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor guutada 18-aad ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Howlgalka qorsheysan ayaa si gaara ciidanka waxay uga sameyeen dhulka Miyiga ah ee u dhaxeeya deegaanada Shabeeloow iyo Caad ee Koonfurta gobolka Mudug.

Taliye ku xigeenka guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Suulnuuge oo hoggaaminaayay ciidanka howlgalka qorsheysan fuliyay ayaa Warbaahinta qaranka u sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen saldhigyo Asku dhuumaalaysanayeen oo ku yaala nawaaxiga deegaanka Shabeeloow.

“Kooxda naf la caariga ee Khawaarijta ayaa iskaga cararay saldhigyo ay ku lahaayeen dhulka miyiga ah ee aaga Caad iyo shabeeloow kadib markii ciidamadu ay sameeyeen howlgal nadiifin ah” ayuu yiri taliye Suulnuuge.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidanka wali ay ku daba jiraan firxadka xubanahii Asee isaga cararay Saldhigyadii ay ku dhuumaleysanayeen, islamarkaana uu howlgalka sii socon doono ilaa laga ciribtiro Kooxda As ee ku sugan deegaanada Galmudug.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe