Saturday, June 27, 2026
HomeWararDibaddaCiidamada dowlada oo howlgal ka sameeyay degmada Cadaado.

Ciidamada dowlada oo howlgal ka sameeyay degmada Cadaado.

Taliska Booliiska Degmada Cadaado ayaa 24 kii saac ee la soo dhaafay Ka waday howlgal amniga lagu xaqijinayo gudaha iyo bananka Magaalada Cadaado.

Taliyaha Booliiska Degmada Cadaado Maxamed Cadceed Cismaan, oo aan la hadalnay ayaa iinoo sheegay iney qabteen 24 kii saac ee la soo dhaafay baabuur waweyn oo ay Ka shakiyeen oo waday bir libaax laguna hayo meel ciidamadu ay ku barayaan.

Dhanaka kale Taliska Ciidmada Booliiska Degmada Cadaado ayaa Bulshada Magaalada Cadaado uga mahadceliyay la shaqeynta Ciidmada amniga, iyagona ku booriyay Bulshada iney sii xoojiyaan la shaqeynta Ciidmada Booliiska si looga hortago falalka lidiga ku ah amniga Deegaanka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe