Xaanshi ay soosaartay Maxkamadda Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa lagu muujiyay amar ku saabsan in lasoo xiro 4tii xubnood ee shalay lagu doortay Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolkaas.
Warqaddaan waxaa hay’adaha awoodda u leh soo qabashada afartaas ruux lagu faray in ay soo qabtaan isla markaana horgeeyaan Maxkamadda Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug sida hadalka loo dhigay.
Xubnaha lagu doortay Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud waxaa doorashadooda goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid & Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Dowlad-Goboleedkaas.


