Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ayaa maanta oo sabti ah waxay Maxamed Cali Xuseen Buundo iyo Cali Suleymaan Ibraahim oo ka tirsan AS ku ridday xabsi daain ah.
Labadan xubnood ayaa bishii May ee sanandkan lagu qabtay howlgallo laga sameeyay degaano hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, xilli uu socday wajigii 1aad ee howlgalkii lagu xorayayay qeybo kamid ah Galmudug.
Maxamed Cali Xuseen Buundo iyo saaxiibkiis Cali Suleymaan Ibraahim ayay maxkamaddu sheegtay inay kasoo qeyb qaataan dagaaladii lagu xoreeyay degaanada maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Maxamed Cali Xuseen Buundo ayaa shaqooyinkiisii ugu dambeeyay waxay ahayd inuu qaado maydadka AS ee ku dhinta dagaalada Dowladda, halka Cali Suleymaan Ibraahim uu qaabilsanaa keydinta hubka.
Dabayaaqadii bishii July ee sannadkan ayay billaabatay dhegaysiga maxkamadayntooda, iyadoo maanta ugu dambayn maxkamaddu ay go’aan ka gaartay dambiyadda loo haystay.

