Askari ka tirsan ciidamada macaawisleyda eek u sugan magaalada ayaa ku dilay xaafada kooshin wiil dhalinyara ah oo lagu magacaabijiray dahir faarax waxaa uu ahaa curadka reerkooda oo sidoo kale horay abahood loo dilay  xilii ay socoday diidmadii hirshabeele ee hogaaninayay jenaral xuud sida an ku ogaanaanay xogo kala duwan.
Waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa ardayda wax ka barata magaalada baladeyne.
Dilkaan ka dhacay magaalada baladeyne ayaa ka mid ah falalka amni daro oo ka jiray maalmihii la soo dhaafay magaalada baladeyne ee xarunta gobolka hiiraan.

