Sunday, May 31, 2026
HomeWararGudahaQoorqoor “Doorasho qof iyo cod ah waan qaban karnaa hadaan nahay Reer...

Qoorqoor “Doorasho qof iyo cod ah waan qaban karnaa hadaan nahay Reer Galmudug”{AKHRISO}

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa lagu soo xiray shir muddo laba maalmood ah ka socday, kaas oo looga hadlayey sida dowlad loo dhan yahay ay uga hanaqaadi karto guud ahaan deegaannada Galmudug, islamarkaana loo gaari karo doorasho qof iyo cod ah oo laga qabto maamulkaasi.

Ka qeybgaleyaasha shirka ayaa dhageystay daraasado laga sameeyey dadaalka loo soo maray in maamul laga yagleelo deegaannada Galmudug, iyo sidii loo tayeyn lahaa nidaamka dowladnimo ee deegaannadan ka hanaqaaday.

Shirka oo ay soo diyaarisay Xarunta Cilmi-baarista iyo Wadahadallada Galmudug ee GRD, ayaa waxaa qayb ak ahaa masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday Dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedka Galmudug, axaana ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

Madaxweynaha  maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo Goobta ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay ayaa sheegay in maamlka Galmduug uu u diyaar garoobay dooarsho qof iyo cod ah.

“Doorasho qof iyo cod ah waan qaban karnaa hadaan reer Galmudug nahay sidda aan ugu diyaarsannahay ma jiro cid ugu diyaarsan” ayuu yiri Axmed Kaariye Qoorqoor Madaxweynaah maamulka Galmduug.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe