Sunday, May 31, 2026
HomeWararGudahaDeni oo shir deg deg ah la qaatay laamaha amniga ka dib...

Deni oo shir deg deg ah la qaatay laamaha amniga ka dib xilka qaadistii C/samad Galan

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Hay’adaha Sharci fulinta sida Golaha Garsoorka iyo Laamaha Amniga Puntland.

Kulanka ayaa ku saabsanaa dardargelin shaqo iyadoo Madaxweynuhu uu warbixin ka dhegaystay Golaha Garsoorka iyo Saraakiisha laamaha Amniga.

Deni ayaa saddex maalmood ka hor dikreeto ku soo saaray isku shaandhayn lagu sameeyay garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha maxkamadaha derejada kowaad iyo rafcaanka gobollada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa ansixiyay isku shaandhayntan oo guddiga sare ee garsoorka Puntland uu ku sameeyay garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha maxkamadaha rafcaanka iyo derejada kowaad ee gobollada puntland , iyadoo qaarkood la isku beddelay halka qaar kalena la dallacsiiyay.

Kulanka xalay ayaa yimid saacado ka dib markii Madaxweyne Deni uu xilkii ka qaaday labo Wasiir oo uu ku jiray Wasiirkii amniga Puntland C/samad Gallan oo ka mid ahaa xubnaha ugu saameynta badnaa Maamulkiisa.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe