Saturday, May 30, 2026
HomeWararGudahaDowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal duqayn ah oo ka dhacay Jamaame...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal duqayn ah oo ka dhacay Jamaame lagu dilay saraakiil sare oo katirsan Al-Shabaab

Duqayn cirka ah oo ay iska kaashadeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibada caaalamiga ah ayaa lagu beegsaday shir ay lahaayeen hoggaamiyayaal sare oo katirsan Al-Shabaab.

ⓘ

Warsaxaafadeed Dowladda Soomaaliya kasoo baxay ayaa lagu sheegay in goobta la duqeeyay ay qiyaastii 14 KM u jirta Dagmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Taliska Ururka 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay saraakiisha Al-Shabaab ee kulankaas ku sugnaa.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladdu waxay sheegtay in weli la qiimeynayo xogo faahfaahsan oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaas iyo inta uu la’egyahay.

Dowladdu waxay kaloo sheegtay in warar dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka ay soo gudbin doonaan, isla marka ay si rasmi ah u u soo saarayaan war murtiyeed.

Jimcihii, dowladda ayaa ku dhawaaqday in uu geeriyooday hoggaamiye sare oo katirsan Al-Shabaab, oo lagu magacaabo Cali Axmed Guure (oo loo yaqaanay Cali Qoyane), kaasoo lagu dilay howlgal ciidamadu ay ka sameeyeen gobolka Galgaduud.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe