Saturday, June 27, 2026
HomeWararMaraykanka oo sheegay inuu taageerayo wada hadalada Soomaaliya iyo Somailand

Maraykanka oo sheegay inuu taageerayo wada hadalada Soomaaliya iyo Somailand

Safiirka xilka kasii dagaya ee dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Andre Larry ayaa sheegay dowladdiisa ay ka go’an tahay ka miro dhalinta wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Hadalkaan ayuu safiirku ku sheegay kulan qadka taleefonka ah oo uu la yeeshay ergayga Gaarka ah ee Aarrimaha Somaliland Abdikarim Hussein Guled.

Ergayga iyo danjiraha ayaa kawada hadlay ahmiyadda iyo xoojinta Wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidii mustaqbalka dhow guul looga gaari lahaa wada hadalka.

Danjiraha Maraykanka ayaa muujiyay taageero iyo garab istaag ergayga, asagoona tilmaamay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay ka mira-dhalinta wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Dhawaan ayay ahayd markii Somaliland ay soo dhoweysay magacaabidda ergayga cusub, iyagoo sheegay inay ku kalsoon yihiin inuu yahay nin hoggaamin kara wada hadalada oo xog ogaal ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe