Thursday, May 28, 2026
HomeWararRW XFS Xamsa Cabdi Barre: “Markii la isku furo Shirkadaha Isgaarsiinta waxaa...

RW XFS Xamsa Cabdi Barre: “Markii la isku furo Shirkadaha Isgaarsiinta waxaa ka dhalanaya Tartan Xalaal ah oo wanaagsan”.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo Khudbad ka jeediyay Xaflad lagu daahfurayay Isku xirka Adeegga Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ayaa bogaadiyay in la jebiyo gidaarka adag ee kala dhexyaallay isu gudubka adeegyada Shirkadahaan.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in la isku furo adeeggaan uu muujinayo fulinta shuruuc muhiim u ah Dalka, dhibaatooyin badan ayuu tilmaamay in lagu qabay kala xirnaanta telefoonnada shirkadaha Isgaarsiinta Dalka.

Wasiirka 1aad ee XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa tusaale usoo qaatay in marka uu qofka u baahdo in uu la xiriiro dad kala heysta shirkadaha uu ku qasbanaa in uu qaato saddex ama shan telefoon balse looga kaaftoomayo hal telefoon oo dhammaan adeegyadaas qabanaya.

Tartanka Shirkadaha Isgaarsiinta dhexdooda ayuu sheegay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre in uu kordhinayo marka wicitaannada la isu furo, shirkad weliba ayuu tilmaamay in ay dhexda u xiraneyso tartan xalaal ah oo wanaagsan waa sida uu hadalka u dhigay.

“In la isku furo adeeggan sida la sheegay waa fulinta shuruucda dalka oo la fulinayo waxa ay kale oo ay tahay xuquuq muwaadin oo la siinayo muwaadinka, Dadka Soomaaliyeed xuquuq bay u baahan yihiin, in loo naxariisto bay u baahan yihiin, in adeeg fiican oo dhib yar oo sahlan la siiyo ayay u baahan yihiin, saddex & shan telefoon in lagu rabo uma baahno oo qofka ma qaadi karo, waxaa loo fududeeyo in telefoon isaga oo heysta qofka uu doonno uu la xiriiro, markasta waxaa muuqata in Ganacsatadeenu in ay fududeeyaan adeegga loo sameynayo muwaadinka Soomaaliyeed, waxaa ka imaanaya Tartan xalaal ah oo lagu tartami karo oo caafimaad qaba marka Shirkaduhu isku furaan adeegga” RW XFS Xamsa Cabdi Barre.

Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa Shirkadaha ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan bixinta Canshuurta si adeegga ay Bulshadu uga baahan tahay Dowladda loo helo, isha Dowladda ku bixin kartana ay tahay in ay hesho Canshuur si Bulshada dib loogu celiyo.

“Waxaa muhiim ah waa anigii iri cid wax gaar ah u leh ma jirtee waan isla leenahay, waxa aynu dhammaanteen ku dedaaleynaa bixinta Canshuurta oo ah ‘Naftaada ka qaad oo naftaada u qaad’ waxa aan u baahanahay in aan ku dedaalno bixinta canshuurta, cidkasta oo ay canshuur ku waajibtay waxaa laga rabaa in uu fuliyo ka qaybgalkaas oo uu bixiyo si Dowladdu adeeg u bixiso” RW XFS Xamsa Cabdi Barre.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ku guuleysatay in ay isku furto adeegga Shirkadaha Isgaarsiinta oo muddo dheer kala xirnaa wicitaannada, Dadka ayaa ku qasbanaa in ay qaataan dhowr simikaar si uu u helo qofka uu u baahan yahay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe