Thursday, May 28, 2026
HomeWararDagaal ka dhacay Laas-Caanood & faah faahin kasoo baxeysa

Dagaal ka dhacay Laas-Caanood & faah faahin kasoo baxeysa

Waaberigii hore ee saaka ayaa duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool  waxaa ku dagaalamay Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka ee la Magac baxay SSC.

Dagaalka  ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Somaliland oo dhaq dhaqaayo wada ay weerareen Ciidamada degaanka ee SSC, waxaana dagaalka saaka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac wallow aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee ku waxyeeloobay.

Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Laas-Caanood ayaa Risaala u sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku ridayeen labada dhinac, balse uusan dagaalka saameyn isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga Magaalada.

Dagaalka saaka ka dhacay duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa kusoo aadaya xilli Magaalada Garoowe ay tageen Odayaal ka tegay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo Magaalada Laas-Caanood u tegi doona waan waan la xiriirta dagaalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe