Saturday, May 30, 2026
HomeWararTaliska AFRICOM oo sheegay in Duqeyn uu ka fuliyay Hiiraan uu ku...

Taliska AFRICOM oo sheegay in Duqeyn uu ka fuliyay Hiiraan uu ku dilay Saraakiil katirsan AS.

War kasoo baxay Taliska Mareykanka u qaabilsan howlgallada qaaradda Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in diyaaradaha Duulliye la’aanta ay beegsadeen saraakiil katirsan AS oo ku sugan Meel u dhaw Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan 23kii October 2022.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaan ay dhacday xilli xubnaha katirsan AS ay dagaal kula jireen Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta DG Hir-Shabeelle & Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.

Sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska AFRICOM, Duqeyntaas ka dhacday Gobolka Hiiraan ma sababin waxyeello soo gaartay Dadka rayidka, arrintaasina ay ku xaqiijiyeen baaritaanno ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka.

Mareykanka ayaa si gaar ah u sheegay in qiimeyn hordhac ah uu sameeyay uu ku ogaaday in weerarkaas uu ku dilay 2 sarkaal balse AFRICOM ma sheegin magacyadooda & derajada ay ka joogeen AS.

“Iyada oo la kaashanayo DFS, waxa uu Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uu duqeyn ka fuliyay meel u dhow Degmada Buulo burte ee Gobolka Hiiraan DG Hir-Shabeelle oo qiyaastii Muqdisho u jirta 218 KM dhanka Waqooyi Galbeed, waxaa la beegsaday xubno katirsan AS 23kii October 2022 xilli uu socday dagaal” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AFRICOM.

Madaxweynaha 46aad ee Mareykanka Joe Biden ayaa dhawaan saxiixay wax ka baddel lagu sameeyay duqeynta diyaaradaha duulliye la’aanta ay ka fuliyaan Dalal Soomaaliya ay kamid tahay si looga fogaado waxyeellada gaarta Dadka rayidka ah.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe