Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda & Al-Shabaab ayaa ka socda Deegaanka Yasooman oo 35 KM dhanka Waqooyi uga jihaysan Degmada Buula-Burte ee Gobolka Hiiraan.
Ciidamada Dowladda Federaalka & Macawiisleyda ayaa saldhigyo xooggan ka sameystay Deegaanka Yasooman, waxa ay billaabeen abaabul xooggan oo ay ku doonayaan in ay isku fidiyaan si ay Al-Shabaab uga qabsadaan deegaannada ay joogaan.
Ciidan katirsan Dowladda Federaalka, Askarta Midowga Afrika ee ku howlgallada Magaca ATMIS & Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa gurmad dheeraad ah geeyay goobaha dagaallada ay ka socdaan.
Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay ku xooggeysteen deegaannada Gobolkaas, waxa uu maamulka Gobolka uu guul ka sheegtay dagaalladii ugu dambeeyay ee dhacay.
Dowladda Federaalka & DG Hir-Shabeelle weli faah-faahin dhammeystiran kama bixin khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda Deegaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan, waxaana lagu wadaa in Dowladda ay war kasoo saarto dagaalka marka uu dhammaado.

