Tuesday, May 26, 2026
HomeWararWeerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig Ciidamada ATMIS kuleeyihiin degmada Balcad

Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig Ciidamada ATMIS kuleeyihiin degmada Balcad

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay Saqdii dhexe waxaa ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada Burundi oo kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS kuleeyihiin degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saldhiga Madaafiicda lagu weeraray oo kuyaala Xaafadda Xaawa Taako gaar ahaan Aaga Warshadihii hore ee dharka Balcad ayaa la sheegay in lagu soo tuuray in ka badan 5 Madfac, kuwaas oo ku dhacay Gudaha Xerada iyo Agagaarkeeda.

Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaan weli ka hadlin weerarka Madaaafiicda ah ee lagu qaaday Saldhiga Ciidamada ATMIS, waxaana jirtay in dhowr jeer sidaan oo kale Madaafiic loogu weeraray Saldhigaas.

Degmada Balcad iyo degaano hoostaga òo Basro ay kamid tahay waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, wallow Ciidamadii dowladda ee  la wareegay degaannada u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye ay dib uga soo baxeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe