Monday, May 25, 2026
HomeWararWararkii ugu dambeeyay doorashada Guddoonka Golaha Shacabka

Wararkii ugu dambeeyay doorashada Guddoonka Golaha Shacabka

Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen ee Baarlamaanka 11aad.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in Maanta doorashada ay dhaceyso xilli qaar kamid ah Xubnaha Guddiga sheegeen in Xildhibaannadii lagu doortay Gobolka Gedo aysan ka qeyb geli doonin doorashada Guddoonka.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xiray dhamaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Teendhada Afisiyooni, waxaana goobaha qaar loo diidayaa inay dadka inay lug ku maraan.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa ku tartami doona musharrixiin dhowr ah, kuwaas oo kala ah.

Musharrixiinta Gudoomiyaha:
1: Aadan Aadan Maxamad Nuur Madoobe
2: Cabdullaahi Aadan Axmed Black
3: Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
4: Sadiiq Cabdi Nuur
5: Aadan Maxamad Nuur Saransoor
6: Shariif Maxamad Cabdalla
7: Cabdirashiid Maxamad Xidig
8: Xasan Cabdi Nuur

Musharixiinta Guddoomiye kuxigeenka Koowaad

1: Maxamad Cumar Caana nuug
2: Maxamad Cumar Ceymoy
3: Sacdiya Xaaji Yaasiin
4: Maxamad Nuur Abubakar Shariif Mustafa
5: Maxamad Cabdiqadir Jeego
6: Cabdiraxman Cabduqaadir Cadde
7: Cabdikariin Cabdow Xeydar.

Musharrixiinta Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka.

1: Cabdulaahi Cumar Abshirow
2: Mahad Cabdalla Cawad
3: Maxamad Xuseen Abuukar
4: Asad Cabdirisaaq Maxamad
5: Axmad Aadan Axmad
6: Saciid Maxamad Cali

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe