Wednesday, May 27, 2026
HomeWararGalmudug oo g’aamisay in Ciidamo loo diro degmo dilal ka dhaceen

Galmudug oo g’aamisay in Ciidamo loo diro degmo dilal ka dhaceen

Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamarewb ayaa waxaa  ka dhacay Shir looga hadlayo guud ahaan Amniga Galmudug gaar ahaan Amniga Dagmada Cabudwaaq oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen dilalanooyin qabiil ah.

Shirkan oo u shir gudominayay Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Dahir Ciid ayaa waxa lagu go’aamiyay in dagmadaasi maalmaha nagu soo aadan loo diro Ciidamo iskugu jira Boolis, Nabadsugid iyo kumandoosta Gorgor.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa shacabka Cabudwaaq ugu baaqay in ay so dhaweeyan Ciidamada ku soo fool leh waxaa uu sidoo kale baaq u diray Ganacsatada iyo Culumada iyo Odayaasha Guurtida Magaladaasi in ay doorkooda qaataan isla markaana ay garab istaagan Ciidamada ku so wajahan Dagmadaasi ee qaybta weyn ka qaadan doona Sugida Amniga dagmada

Ugu danbeyn Madaxweyne ku xigeenka waxaa u bogaadiyay Dadaalada ay wadaan Xildhibaanada Galmudug ee Dagmadaasi ka soo jeeda.

Dhowrkii habeen ee la soo dhaafay ayaa degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka  Galgaduud waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay Rag Dhalinyaro u badnaa, kuwaas oo dilkooda lala xiriirinayo Aanooyin qabiil.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe