Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse oo ku sugan dalka Zambia ayaa la kulmay Madaxweynaha dalkaas Hakainde Hichilema, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal.
Madaxweynaha Zambia ayaa sheegay in dowladiisa ay si weyn ula socoto doorashada ka socota Soomaaliya si loo xaqiijiyo in natiijada ka soo baxda ay noqoto mid guul ah.
Zambia ayuu sheegay in ay aad u qadarineyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, waxa uuna ku baaqay in la kordhiyo wada shaqeynta iyadoo ujeedadu tahay in la abuuro ajande dhaqaale oo guuleysta oo ay ka faa’ideystaan ​​shacabka labada dal.
Sida uu sheegay, welwelka amni ee gobolka darted ayuu ku baaqay in loo baahan yahay iskaashi dheeri ah oo dhexmara waddamada si loo xaqiijiyo in nabadda la helo, lana dammaanad qaado amniga.

