Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa ka socota doorashada kuraas kamid ah golaha Shacabka, waxaana maanta qorshuhu yahay in la soo geba-gabeeyo doorashada kuraasta taalla degaannada Koonfur Galbeed.
Kuriga Hop#047 oo ay ku fadhisay Wasiirka Haweenka Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade oo meesha laga saaray kadib markii Walaalkeed la siiyay kursiga Aqalka Sare ayaa waxaa ku guuleysatay Xaawo Sokor Cali oo heshay 79-cod halka musharaxii la tartamaysay ee Faadumo Maxamed Isxaaq ay heshay 18-cod.
Doorashada ayaa weli ka socota Magaalada Baydhabo, waxaana maanta la dooranayaa 7 kursi ee ugu dambeeya kuraasta golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galeed.

