Tuesday, May 26, 2026
HomeWararMuuse Biixi oo sheegay in Wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland ay guuldareysteen

Muuse Biixi oo sheegay in Wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland ay guuldareysteen

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay, taas oo uu laga Hadley arrimo dhowr ah oo ku saabsan Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka uu Madaxda u yahay ee Somaliland.

Khudbadad madaxwaynaha uu xalay ka jeediyay kulan uu soo qabanqaabiyay machadka The heritage Foundation ee dalka Mareykanka ayuu waxaa uu si wayn uga warbixiyay maraxaldihii ay Soomaaliland soo martay iyo caqabadihii ay ka soo gudubtay.

Madaxwayne Biixi ayaa farta ku fiiqay in Somaliland ay ku talaabsatay hormaro dhinacyo badan ah gaar ahaan dhanka dimuqraadiyada.

Mr Biixi ayaa dhanka kale sheegay in wadahadaladii u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya ay guul dareysteen ayna tahay in laga socdo.

“Iyada oo ay jiren 9 wareeg oo wadahadalo ah laga soo bilaabo 2012 ilaa 2022, natiijadii laga sugayay wadahadalada oo ahaa in lagu xaliyo hal qodob oo ahaa midka muranka dhaliyay kaasi oo ahaa meeqaamka soomaliland wax natiijo ah lagama gaarin, taa badalkeeda Somaaliya waxa ay wadaxaajodyada u isticmaashay in ay qaadato siyaasado lagu wiiqayo madaxbanaanida iyo xasiloonida somaliland,” ayuu yiri Mr Biixi.

Madaxwayne Biixi ayaa eeda guuldarada wadaxaajoodyad u xambaariyay madaxda dowladda fedraalka ee Soomaaliya.

“Marka Somaliland waxay rumeysan tahay in wadaxaajoodyada lagu guul dareystay in lagu gaaro hadafyadii looga gol lahaa, eeda guuldarada waa mid guud ahaan dusha u saaran Soomaaliya iyaga oo galiyay dadaalo lagu minja-xaabinayo wadaxaajoodyada taasi waxay ka muuqataa ficiladooda guracan” ayuu yiri madaxwayne Biixi” ayuu intaa ku daray.

Dhowr jeer ayay qabsoomeen wada-hadallada Dowladda federaalka ah ee Somalia iyo Somaliland balse aysan kasoo bixin wax natiijo ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe